Ethobia Oo Go’aan Adag Ka Qaadatay Khamriga Iyo Sigaarka.

0
396

Aqalka wakiilada dalka Itoobiya ayaa ansixiyay hindise sharciyeed lagu mamnuucaya in sigaarka lagu cabbo goobaha ay dadka isugu yimaadaan iyo in khamriga laga xayeeysiiyo warbaahinta dalkaasi.

Hindise sharciyeedkan cusub ayaa mamnuucaya in meel u jirta 100 Miitar xarumaha caafimaadka, goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo goobaha shaqada aanan lagu cabbi karin sigaarka.

Sidoo kale sharciga ayaa qeexaya in ganacsatada khamriga aysan ka iibin karin dadka da’doodu ka hooseeysa 21 jir.

Kalfadhiga 24-aad ee golaha baarlamaanka ayaa la filaya inay ku ansixiyaan hindise sharciyeedkan ay ka doodeen xildhibaanada iyo in kale.