Howlihii Dekedda Boosaaso Oo Hakad Kujira Kadib Dilkii………………

0
346

Waxaa Hakad kujira Howlihii shaqo ee Dekedda Magaalo Xeebeedka Boosaaso kadib Dilkii Maxaxii Shirkadda Dp-World.

Nij Hubeysan ayaa Shalay Toogtay Madaxii Shirkadda DP-WORLD ee Dekedda Magaaladda Boosaaso iyadda oo Dilka Kadib Gacanta Lagu dhigay Shaqsigaasi kadib Markii uu ku dhaawacmay Rasaas ay ku fureen Ciidamadda Ammaanka Maamulka Puntiland.

Paul Faramosa oo kasoo jeeda Jasiiradda Malta ayaa Shalay lagu Dilay Boosaaso.

Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ayaa War qoraala oo ay soo dhigeen Baraha Bulshadda oo ay wararkooda ku faafistaan waxaa ay ku sheegeen in iyaggu ay kadambeeyeen Dilka Sargaalkaasi.

Warar soo baxaye ayaa Sheegaya in uu Geeriyooday Shaqsiga Dilay Sargaalka Katirsan DP-WORLD oo isaga oo Dhaawaca lageeyey Cisbitaal.