Dagaal Markale Dib Uga Qarxay Degmeda Balcad kadib Is Faham Waaga Maamulka Degmedda.

0
304

Wararka aynu la heleyno Degmedda Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Sheegaya in Halkaa ay kuwada Dagaalamayaan Ciidamo Katirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii isfaham waa uu soo kala dhex galay Gudoomiyaha Maamulka Degmedda Balcad iyo Xoghayaha Guud ee Degmedda.

Dadka Deegaanka ayaa Soo sheegaya in Dagaalka oo Saacado qaatay maanta la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Warar uu helay Gargaar.net ayaa Sheegaya in Xoghayaha Maamulka Degmedda uu garab ka helayo Taliyaha Ciidamadda Nabad Sugidda iyadda oo Gudoomiyaha Degmedana uu wato Ciidamo Milatari ah oo Dhamantod kawada Tirsan Kuwa Dowladda Soomaaliya.

Majirto ilaa hadda Cid Xaqiijin karta Khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Dagaalkii Maanta Balse wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala Soco Gargaar.net.