Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan Deg-Deg ah Isugu Yeeray Saraakiisha CXDS.

0
388

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dib ugu gurya noqday Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ee Degmedda Deyniile ayaa isugu yeeray Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka.

Kulankan Deg dega ahi ee la isugu yeeray Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ayaanan Rasmiyan Loo ogeyn waxa looga hadlayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dib Ugu Gurya Noqday Xafiiskiisa W/Gaashaandhigga

Ilo ku dhawdhaw Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Gargaar.net u sheegay in ay ubadan tahay in Kulankan looga hadlo Sidii loo dardar galin lahaa Guluf Colaadeed oo ka dhan ah Xarakadda Al-Shabaab.

Ammaanka Guud ee Agagaarka Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ah mid aad loo adkeeyey iyadda oo Ay ku gidaaman yihiin Ciidamo aad ufara badan oo Sugaya Amniga Goobta oo Daqiiqado kadib ka furmayo Shir xasaasi ah.

Wexii kusoo kordhaa Wararka la xeriira Shirkan Deg dega ah ee Madaxweynaha uu ugu Yeeray Saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka kala Soco Gargaar.net  “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”.