Madaxweynaha Hirshabelle Oo Ku Wajahan Jowhar Kadib Cabasho ay Muujiyeen Baarlamaanka.

0
399
Maxamed Cabdi Waare Oo Ku Wajahan Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in uu Gaaro Magaaladda Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe sidookalena Xarun u ah Maamulka Hirshabelle.

Waare ayaa Marka uu gaaro Jowhar kulamo kala Duwan laqaadan Doonon Xubnaha Baarlamaanka Hirshabelle ee Gadoodsan.

Dhawaan waxaa Saxaafadda La hadlay Xubno badan oo kamida Baarlamaanka Hirshabelle iyagga oo Cabasho ka qabay Mushar la’aan Baahsan oo Mudo ay qabeen.

Xubnahan ayaa Sheegay in Arintan ay tahay mid uu ka dambeeyo Maxamed Cabdi Waare Maxaxweynaha Hirshabelle.

Waare ayaa Wajahaya Eedeymahaasi iyadda oo Xogo aynu ka helnay Madaxtooyadda Maamulka Hirshabelle ay sheegayaan in Madaxweynuhu Marka uu kadego Jowhar uu la fariisan Doono Guddi matalaya Xildhibaanadda Cabanaya.

Wixii kusoo kordhaa Akhbaaraadkaasi kala soco Gargaar.net  “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”.