Caleema-Saarka Madaxweyne Saciid Deni Oo Weji Cusub U Furay Siyaasadda Soomaaliya.

0
583

 

Tan iyo Wixii ka dambeeyey Caleema Saarka Madaxeeynaha Maamulka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa Weji Cusub yeeshay Siyaasadda Madaxda Soomaalida.

Munaasabaddaa Waxaa ay Sababtay in Goob Qura ay kuwada kulmaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo isku arki la’aa Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho.

Wexii Markaa ka dambeeyey waxaa Kulamo Gooni gooni ah Magaaladda Garoowe ku qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Maamul-goboleedyadda Dalka.

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad-goboleedyadda Oo Garoowe Ku Kulmay.

Kulamaddaa oo Saxaafadu ay Dibad Joog aheed waxaa Diiradda Lagu saaraye sidii Loosoo Afjari Lahaa Khilaafka Siyaasadeed ee Jira.

Kulankan ayaan si rasmi ah loo shaacin waxyaabihii looga wadahadlay.

Waxaa uu kulanka yimid ka dib markii uu madaxwaynaha dowladda fedaraalka Maxamed Cabdulahi Farmajo uu ballanqaaday in wadashaqayn wanaagsan uu la yeelan doono maamul goboleedyada.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay Barta Twiterka ee Villa-Soomaaliya ayaa lavu sheegay in kulan ay wada Qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyadda uu kusoo idlaaday Isfaham.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa intii kulanku socday waxa uu soo jeediyay in shirka kan xiga ay martigeliso Garoowe bisha Maarso si loo dhaqaajiyo hawlaha hortabinta u leh dowlad dhisidda Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland dadaalladiisa wax ku oolka ah” ayaa lagu Yiri Qoraalka.

Waxaase Labada Dhinac Lagu Wada Balamay Shir ay Marti galindoonto Markale Magaaladda Garoowe kaasi oo lagu Madlan yahay Misha Sedexaad ee Sanadkan iyadda oo lagu lafa guri doono Khilaafaadkan iyo sidii Xal loogu heli lahaa.

 

Dadka indha indheeya Siyaasadda Soomaalida ayaa Kulanka u arka Fursad Weyn.

Qaarkamida Dadka Darsa Siyaasadda Gobolka Waxaa u muuqata in Kulankan uu yahay Fursad hadii aan laga Faa’ideysan Fashil Noqon karta taasi oo Saameyn Ku yeelata Dadaaladda Nabadda Soomaaliya.

Xafladdii caleema saarka madaxwaynaha cusub ee Puntlanda ayaa noqotay mid isu keentay madaxda kala duwan ee Soomaalida.

Dad badan oo darsa Siyaasdda ayaa u arkayay xafladani in ay noqon kartay fursad looga faa’idaysto in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya madaxda Soomaalida.

Doorashadda Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntiland ayaa Noqon doonta hadii Madaxdu ay Ka Runsheegto Balanqaadyadii Caleema Saarka mid Weji Cusub u furta Siyaasadda Soomaaliya Xalna unoqotay Khilaafka Madaxda Soomaalida iyadda oo Sharaf iyo Karaamana u horseedi karta Maamulkaasi.

Talaabadan ayaa Falanqeeya-yaasha Siyaasadda Soomaaliya ay u arkaan Mid ilaa iminka aan la oran karin in Xal unoqoto Khilaafka iyadda oo uu aad a badan yahay Munaafuqa Siyaasadeed Laakinse ay Muuqaneyso xoogaa Yadadiilo Ah.

Dhinaca kale Qoraal Kooban oo Lasoo dhigay Twiterka Villa-Soomaalia ayaa Lagu Sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Kulan Gaara La Qaatay Qaarkamida isimadda Puntiland oo aad uga Qeybqaatay in Xoogaa Madaxdu ay isku soo dhawaadaan iyadda oo uu jiray Kulamo Xal loogu Baadigoobayo.

 

intii uu khilaafka socday ayaa waxaa meesha ka baxay madaxwaynihii Puntland Dr Cabdi Wali Cali Gaas iyo madaxwaynihii Koonfur Galbeed shariif Xasan sh Aadan,halka uu madaxwaynaha Hirshabeele uu dowladda dhexe la heshiiyay.

Waxaa imika soo haray islamarkana dowladda dhexe si wayn uga soo horjeeda madaxwaynaha Jubaland Axmed maxamed Islaan iyo madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf