Ku Dhawaad 20-Askari Oo Katirsan Kuwa Jubaland Oo Qarax Lagu Dilay.

0
329

 

Wararka aynu ka helyno Gobolka Jubadda Hoose ayaa Sheegaya in Qarax Xoogan lala Eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamo katirsan Kuwa Maamulka Jubaland.

Waraxan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Deegaanada Dhoobleey iyo Afmadoow oo Gobolkaasi ka tirsan.

Ciidamadan ayaa sida la sheegay kayimi Deegaanka Dhoobleey iyaga oo kusoo jeeday Afmadooe sida ilo lagu kalsoonaan karo ay inoo xaqiijiyeen.

Xarakadda Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxan Waxaa ay sheegeen in ay ku dileen 19-kamida Askarta Maamulka Jubaland.

“Qaraxan waxaa uu haleelay Gaari Cabdibile ah oo ay saarnaayeen 20-Askari 19-Kamida ayaana ku geeriyootay” Ayaa lagu yiri Qoraal kooban oo lasoo dhigay Baraha Bulshadda oo ay Al-Shabaabku wararkooda ku Faafistaan.

Majirto ilo madax banaan oo Xaqiijinaya Sheegashadda Al-Shababab ee khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

Maamulka Jubaland ayaana Dhankooda wax war ah ka dhihin Qaraxan.

Ciidamadda Qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay mudo ku hakadeen Goobtii uu Qaraxu ku haleelay iyadda oo ay xireen Wadooyinka ka ag dhawaa Goobta.