Dabley Hubeysan Oo Askar iyo Dad Rayid Ah ku Dishay Afgooye.

0
367

Wararka aynu ka heleyno Degmeda Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku ku waramaya in Dabley hubeysan ay halkaa ku toogteen ilaa 5-Ruux.

Dilkan ayaa ka dhacay Bartamaha Suuqa Afgooye.

Dadka la dilay ayaa waxaa la sheegay in Sedex kamida ay ahaayeen Askar katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Xilligaa ku howlanaa Canshuur Qaadis halka labada ruux ee kale ay ahaayeen Dad rayid ah.

Goobjooge ku sugan Degmeda Afgooye ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in Dableyda Dilka geesatay oo bistoolado ku hubeysnaa in ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamadda Ammaanka Dowladda Federaalka Oo gaaray Goobta Dilka kadib ayaa Xiray dhammaan wadooyinka ka agdhawaa halka uu dilku ka dhacay iyadda oo ay bilaabeen Howlgalo ay ku baarigoobayaan Ragii dilkaa Fuliyey.

Weli majirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilalkaasi balse Al-Shabaab ayaa inta badan dilalka nuucaani ah ka fulisa Afgooye.

Maamulka Degmedda iyo Saraakiisha Ciidamadda Dowladda oo aan Xiriiro la sameynayna inooma suuragalin in khadka telefanka aynu kula hhadalno.