Beydhabo:- Fahfahin Kasoo Baxeysa Xildhibaan Katirsan Barlamaanka KGS Oo Hoygiisa La Weeraray.

0
370

Waxaa Faahfaahino Dheeraad ah ay ka soo baxayaan Weerar Dabley Hubeysan ay ku qaadeen Hoyga Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Koofur-Galbeed Soomaaliya uu ka ka degen yahay Magaaladda Beydhabo.

Xildhibaanka La weeraray ayaa lagu Magacaabaa Xildhibaan Cirfi Aadan Ibraahim waxaana la sheegay in Xilliga Weerarku uu Dhacaye in uusan ku sugnsugneen Hoygiiisa.

Goobjoogeyaal Ayaa Gargaar.net u sheegay in Dabley Hubeysan oo wata gaari Nuuca Raaxada ahi ay Weerar ku qaadeen Hoyga Xildhibaanka.

Dadka Deegaanka ayaa Sheegay in ay Maqlayeen Rasaas Dhowr ah oo ay Fureen Dableyda Weerarka Soo qaaday iyo Bambaanooyin Ay la dhacayeen Hoyga Xildhobaanka ee Magaaladda Beydhabo.

Xildhibaan Cirfi ayaa Dhankiisa warbaahinta u sheegay in Xilliga Weerarka lasoo qaadaye uu ka maqnaa Hoygiisa.

Ilaa Sedex Ruux ayuu Sheegay in uu dhaawac uu kasoo gaaray Weerarkaa.

“Waxaa uu Dhaawac fudud uu Weerarkaasi ka soo gaadhay Sedex ruux oo hoygeyga Ku Sugnaa Midkamida Istaafkeyga iyo Labo kamida Ehelkeyga ayuu Dhaawac Fudud kasoo gaaray oo lagula tacaalayaa Cisbitaal kuyaala Beydhabo”ayuu yiri Xildhibaanku.

Asiga oo sii hadlaye ayuu Laamaha Ammaanka uu ku Ammaanay sida Dhaqsiyaha badan oo ay uga jaeaabeen Weerarkaa oo uu sheegay in Xaaladu sidaa ay kasii dari laheed hadii iyagu aysan jirin.

Waxaa uu Xusay in Laamaha Ammaanku ay Dad usoo qabqabteen Weerarkaa islamarkaana Baaritaano ay ku socdaan wixii jawaab ahna uu dib warfidiyeenka kala wadaagi doono sida uu hadalka u dhigay.

Weli majirto Cid Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaasi balse Al-Shabaab ayaa Dhowr jeer oo hore weeraro Nuucaani oo kale ah ka fulisay Magaaladda Beydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur-Galbeed.