AMISOM Oo Gargaar Dhinaca Caafimaadka ah Ka Fulisay G/Sh/Hoose.+Sawiro

0
401

Ciidamadda Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa Gargaar Caafimaad ka Sameeyey Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Adeegyadan Dhinaca Caafimaadka ah ayaa loo Sameynaye Dadka Danyarta ah ee ku Nool Xeryaha Barakacayaasha kuwaasi oo aan awoodin in ay Helaan Dawooyinka ama adeegyada dhinaca Caafimaadka ahi.

Meelaha Ugu Badan oo Adeegyadan ay ka Fulisay AMISOM waxaa kamida Degmeda Qoryooleey oo Katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Bogga Twiterka AMISOM ayaa lagu sheegay in Amisom ay Gobolka Shabellaha Hoose ay Ka Fuliyeen Adeegyo Dhinaca Caafimaadka ah iyadda oo Adeegyadaasi ay ka faa’ideysteen Dad Danyar ah oo kunool Xeryaha Barakacayaasha.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka iyo Sawiradda Barta Twiterka AMISOM Lasoo Dhigay.