Dabley Hubeysan Oo Suqa-Bakaaraha Ku Toogtay Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

0
435

Dableey Hubeysan Ayaa lagu soo waramayaa in Suuqa-Bakaaraha ay ku toogteen Askari katirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Goob jooge ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa Gargaar.net u sheegay in Dableydu ay Toogteen Askarigaa iyadda oo Dilka Ka dibna ay Goobta Soo gaareen Ciidamadda Ammaanka Soomaaliya.

Ciidanka Amniga ayaa Toogtay Mid kamida Ragii Dilkaasi Fuliyey kadib Markii uu Diiday in uu Hubka Dhigo sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha Ammaanka Dowladda.

Sidookale Saraakiisha aynu la hadalnay ayaa inoo xaqiijiyey in Ciidamadda Ammaanku ay qabteen intii ay Howlgalka kooban ku jireen Wiil dhalin yaro ah oo ku hubeysnaa Bistoolad oo ay maleeynayaan in uu Qeebka ahaa Dilka Askarigaasi Baaritaanona ay ku wadaan.

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa inta badan si joogta ah dilal Siyaabo kala duwan ah uga fuliya Suuqa-Bakaaraha iyadda oo ay kamid yihiin Dadka ay beegsadaan Askarta Dowladda iyo Ganacsato mana muuqato ilaa iminka Talaabo Cad oo Laamaha Ammaanku ay uqaadeen sidii Arintaa looga Hortagi lahaaa.