Soomaalida Nairobi Oo Xiray Mehradahooda Ganacsi si ay Murugadda Ula Wadaagaan Bulshadda Kenyaanka Ah.

0
267

Tan iyo Markii Dagaalyahano Hubeysan oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Hotelka Dusit D2 Ayaa waxaa ay saameyn Xoogan arintaasi ku yeelatay Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi.

Jimcaha Maanta ah Ganacsatadda Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay ayaa Xiray Mehradahooda Ganacsi si ay ugu Muujiyaan Shucuubta Kenyaanka ah oo ay la noolyihiin in ay ka xun yihiinnweerarkaasi.

Wixii ka dambeeyey Markii Weerarkaa uu Dhacay waxaa walaac xoogan lasoo darseen Soomaalida Magaaladda Nairobi.

Bulshadda Kenyaanka ah ayaa Soomaalida u arkaye kuwa Xiriir dhaw la leh Dagaalyahanadda Al-Shabaab.

Balse Markii ay cadaatay in Dadkii weerarka filiyey ay ahaayeen Kenyaan oo aysan Soomaali kujirin ayaa waxaa muuqata in Door Muuqda iyo mid dahsoonba aysan ku laheen Weerarkaasi.

Saciid Macalin oo kamida Ganacsatadda Soomaalida ee ku dhaqan Nairobi ayaa Gargaar.net u sheegay in Tan iyo Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Galbeedka Magaaladda Nairobi ayaa waxaa geeriyootay kudhawaad 5-ruux oo muwaadiniin Soomaali ah.

“Bulshadda Kenyanka ah ayaa hadeynu nahay Soomaali inoo arka kuwa Xeriir dhaw la leh Al-Shabaab balse jimcaha Maanta ayaynu xirnay Mehradaheena Ganacsi si aan u miijino sida aan uga xunnahay Weerarkaasi iyo in aan wax lug ah ku laheen oo aan Bulshadda Walaalaheena ahi ee kenyaan ka ah aan umuujino sida aan ula qeybseeno Murugadda”ayuu yiri Saciid.

Laamaha Ammaanka Kenya ayaa Tan iyo Markii Weerarkaasi Dhacay bilaabay in ay soo qabqabtaan Dad fara badan kuwaasi oo lagu tumhayo Xeriir lalahaanshiyaha Weerarkii Talaadadii aynu kasoo gudubnay Gilgilay Nairobi.