Ciidamo Ka Tirsan Kuwa AMISOM Oo Qarax Lagula Eegtay Deegaan Hoostaga Degmeda Mahadaay

0
264

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Buurane oo Hoostaga Degmedda Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa kusoo waramaya in Ciidamo katirsan kuwa AMISOM Gaar ahaan kuwa Burundi Qarax lagula eegtat Halkaasi.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhashay khasaare xoogan oo soogaaray Ciidamadda Burundi oo Halkaa ku socdaalaye.

Ciidamadda ayaa xirtay Wadada meel aan sidaa uga fogeen halka uu qaraxu ku haleelay.

Goob jooge ku sugan Deegaanka Buurane ayaa Gargaar.net u xaqiiijiyey in ilaa Sedex ruux uu dhaawac kasoo gaaray rasaas ay fureen Ciidamadda Burundi.

Ma aha markii ugu horeysay oo Ciidamo katirsan kuwa Burundi Qarax lagula eegto Deegaankaasi.