Ciidamada Ethobia Oo Qarax lagula Eegtay Inta u dhexeysa Beydhabo iyo Buur.

0
296

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo katirsan Kuwa Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in Qarax Xoogan lagula eegtay inta u dhexeysa Magaalooyinka Beydhabo iyo Buur-Hakabo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxa uu ka dhashay Khasaare Xoogan oo soo gaaray Ciidamadda Ethobia.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaasi waxaa ay sheegeen in Ciidamadda Ethobia ay Qaraxyadaasi kaga dileen in kabadan 50-Askari iyadda oo ay gubeen ilaa Sedex kamida Gawaarida uuraalka looyaqaano.

Sida Caadada aheed Ciidamadda Ethobia ayaa Furay Rasaas iyadda oo ay waxyeelo kasoo gaartay Dadka Deegaanka sida wararku aynu ku heleyno.

Kolonyadan ay la socdeen Ciidamadda Ethobia ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen Deegaanka Buur iyagga oo kusii jeeday Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wixii wararkaasi kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.