Al-Shabaab:- Meydadka 60-Askari Iyo Gaadiid Dagaal Ayaan Heynaa.

0
364

Xarakadda Al-Shabaab ayaa Sheegatay Mas’uuliyadda Weerar Toos ah iyo Qaraxyo jimcaha Maanta ah lala eegtay Ciidamadda Dowladda Ethobia oo Qeybka ah Howlgalka AMISOM.

Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen ku dhawaad 60 Askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ka dib markii ay la beegadeen Qaraxyo iyo weerar toos ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay sidoo kale in ay qabsadeen Gaadiid dagaal iyo dhaawacyo Ciidanka Itoobiya ay ka carareen, islamarkaana Saacaddaha soo socda ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamadda Ethobia ayaanan sida caadada aheedba Weli ka hadlin weerarkaasi iyadda oo Marka Weeraro Nuucaani ah ay duacaan aanan looga baran Ka hadlida Arimahan Marka laga soo tago in ay war kasoo saarto Wasaaradda Gaashaandhiga.

Dadka Deegaanka ayaa Gargaar.net u sheegay in Qaraxa uu Ciidamadda Ethobia uu weerarkaasi kasoo gaaray Jab xoogan.

Goob joogaha nala hadlay waxaa uu sheegay in kudhawaad 10-ruux oo shacab ah uu khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray Weerarka iyo Rasaas ay fureen Ciidamadda Ethobia oo AMISOM ka tirsan.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.