Waraabe 7-Qor Ku Dhaawacay Gobolka Awdal.

0
318

Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool Deegaano hoos yimaada Degmeda Lughaye oo katirsan Gobolka Awdal ayaa Qaatiyan ka taagan ugaarta Looyaqaano Dhurwaaga oo Dhibaato ba’an kuhaya.
Ilaa 7-Qof ayuu dhaawacay Waraabe dad cun ah oo Deegaanka soo weeraray.

Caaqil Xasan Cabdi Riyaale oo kamida dadka deegaanka Lughaye ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Waraabuhu uu dhaawacay 7-kamida dadka deegaanka.

Waxaana uu sheegay in Labo kamida 7-daa Ruux oo Caruur ahaa in ay u geeriyoodeen Dhaaeacii soo gaaray.

“Waa dhibaato Xalkeedu uu fudud yahay hadii ay iskaashadaan Dowladda iyo Dadka shacabka ah” “Waxaa Markii hore arki jirnay Dhurwaaga oo Cunaya Xoolaheenii balse markan Dadkii ayuuba usoo diga rogtay” ayuu yidhi Caaqilku oo arintan ka hadlaye.