Maxaa Ka Jira In Madaxeeyne “Xaaf” Uu Ku Sugnaa Dhismaha La Weeraray Ee Nairobi.?

0
314

Iyadda oo Dagaalyahano Hubeysan ayaa waxaa jira in la Bedbaadiyey Tiro badan oo kamida dadkii ku sugnaa Hotelka La weeraray ee Galbeedka Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Warar uu helay warsidaha Gargaar.net ayaa sheegaya in Dadka La bedbaadiyey uu kamid ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Ku Sugnaa Dhismaha La weeraray.

Waxaa wararkaasi inoo xaqoijiyey Xubno katirsan Madaxtooyadda Galmudug.

iyadda oo kenya ay sheegtay in weerarka lasoo afjaray hadana waxaa soconaya oo lamaqlayaa dhawaqa Qaraxyo waaweyn iyo Rasaas kasocota Dhismaha.

Al-Shabaab oo sheegatay Weerarkanna waxaa ay xaqiijisay in weli Howlgalku uu socdo oo dagaalyahano hubeysan Goobtu ka dhex dagaalamayaan.