Madaxweyne Farmaajo Oo Beydhabo Uga Qeybgalaya Caleema-Saarka Madaxweyne Lafta-Gareen

0
331

Magaaladda Beydhabo waxaa Ka soconaya Munaasabadda Caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya Lafta Gareen.

Munaasabadaasi waxaa ka qeybgalay Madax fara badan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntiland Axmed Karaash iyo Madax kale.

Munaasabadda oo Goordhaw bilaabatay waxaa haatan Khudbadda jeedinaya Madaxdii kasoo qeybgashay.

Ammaanka Guud ee Magaaladda ayaa ah mid aad loo adkeeyey iyadda oo aysan jirin wax gaadiid ah oo Magaaladda soconaya marka laga soo tago Gadiidka wufuuda lagu galbinayo.