Boliiska Kenya Oo Ka Hadlay Werarka Nairobi iyo Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda.

0
281

Boliiska Kenya ayaa Sheegay in ay Gaareen Dabaqadda Dhexe Ee Hotelka laweeraray iyagga oo Weli ku gudajira sidii Howlgalkan ay u soo afjari lahaayeen.

Dagaalyahano Hubeysan oo Katirsan Xarakadda Al-Shabaab ayaa Weeraray Hotel kuyaala Bartamaha Magaaladda Nairobi iyagga oo Weli la dhex Dagaalamaya.

Weerarka oo Qaraxyo ku bilowdat waxaa Xigay Dagaalyahano hubeysan oo Gudaha ugalay Hotelka waxaana Mas’uuuliyadiisa Sheegtay Xarakadda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa yiri “Laamaha amniga iyo xaaladaha deg degga ayaa si deg deg ah uga jawaabay dhacdada, waxaana durbadiiba xirnay goobta. Waan maareynay xaaladda, waxaana dad badan kasoo daad gureynay dhismaha. Howlgakana weli waa uu socdaa”

Waxa uu intaas ku daray ““Waxaan ka warhaynaa in weli ay jiri karaan in dambiilayaal hubeysan ay ku dhuumanayaan dhismaha. Ciidamadeena gaarka ah ayaa sida aan sheegay ku guda jira howl-galkan si ay uga nadiifayaan. Waxaan sidoo kale ka xumahay inay jiri karaan dad ku dhaawacmay weerarka, waxaana ku guda jirnaa inaan xaqiijino heerka iyo nooc dhaawacyada”

Boliiska ayaa ku heeraarsan Agagaarka Hoyelka iyadda oo Lamaqlayo Rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan labada dhinac waa boliiska Kenya iyo Dableyda Hubeysan.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net