Maleeshiyaadka Kooxda Macawiisleeyda Layiraahdo ayaa Shacabka ka dalbaday in ay ku garab istagaan Dagaalka ay kula jiraan Dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabaab.
Kooxda Macawiisleeyda Layiraahdo waa Koox Si iskood ah isugu Xilqaamay Ladagaalanka Xarakadda Al-Shabaab kagadaal markii ay udulqaadan waayeen Dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmeen Kooxdaasi.
Midkamida Ururka Macawisleeyda ayaa Warbaahinta u sheegay in ay joogteeynayaan Dagaalka tan iyo inta Al-Shabaab ay ka Ciribtirayaan Deegaanadooda.
Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul-Goboleedyadda ayaa uu ugu baaqay in ay isbarbar taagaan Kooxdan si ay Dagaalka ugu guuleestaan.
Kooxda Macawiisleeyda ayaa Dhawaanahanba Al-Shabaab kula Dagaalamaye Deegaanka Burdacaare La Yiraahdo oo Hoostaga Degmeda Aadan-Yabaale Oo Gobolka Shabellaha Dhexe Katirsan.
Waxaana Xusid Mudan in Dagaalyahanada Kooxda Macawiisleeyda ay In Dhawaana ahba ku wada dagaalameen Deegaano hoostaga Gobolka Shabellaha Dhexe.