Garoowe Oo Laga Dareemayo Diyaargaroowga Doorashadda Puntiland Iyo Ciidamo Fara Badan Oo……..

0
345

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntiland ayaa waxaa aad looga dareemayaa Diyaar garoow ku aadan Doorashadda Hogaanka Maamulkaasi oo lagu wado in halkaa ay ka qabsoonto bilowga Sanadka Soosocda ee 2019-ka.

Wadooyinka waaweyn ee Magaaladda ayaa lagu dhex arkayaa Ciidamo aad ufara badan kuwaasi oo Xaqiijinaya Ammaanka Guud ee Magaaladda.

Qof Goobjooge ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Magaaladda Garoowe laga dareemayo Diyaar garoowgii ugu Dambeeyey ee ku aadan Doorashadda Madaxtinimadda Maamulkaasi oo dhici doonta Dhawaan.

Ciidamadda Ammaanka Puntiland oo wata Gawaaridda Dagaalka ayaa Magaaladda Tuban iyagga oo aad u sugaya Ammaanka Guud baadhitaanana ku sameynaya Gawaaridda Sida Qofka nala hadlay uu inoo xaqiijiyey.

Madaxweynihii Hore ee Pintiland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ah Sanatar katirsan Baarlamaanka Aqalka Sare ee Federaalka Waxaa uu Shalay Garoowe ka sheegay in uusan aheyn Musharax balse uu Magaaladdaa u tagay Arimaha Doorashadda.

Gudiga Xalinta Khilaafaadka Iyo Ansaxinta Baarlamaanka ee uu Magacaabay Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa iyaguna Bilaabay Ansaxinta Baarlamaanka Cusub iyagga oo Dib u celin doono Kuraasta Qaar oo la sheegay in uu Murano kajiro.

Musharaxiinta Utaagan Qabashada Hogaanka Puntiland ee Afarta Sano ee Soosocota ayaa iyaguna Wada Ole’ole xoogan oo ay kalsooni kaga Raadsanahaan Ismada, odayaasha Dhaqanka iyo Qeybaha Bulshadda ee Puntiland.

Musharaxiin Dhowr ah oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Deegaanadda Puntiland Qaarkoodna Hore Xilal kala Duwan uga Sooqabtay Dowladihii Soomaaliya Soomaray ayaa Haatan ku loolamaya Doorashadda Puntiland ee 2019-ka.