Galmudug Oo Ku Baaqday Joojinta Dirirta Deegaanka Kaxan-Dhaale.

0
375

Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa waxaa ay ku baaqeen Daminta Colaada dhinaca Qabaa’ilka Ku saleysan ee ka tataagan Deegaanadda Galmudug.

Wasiirka Arimaha Dib u heshiisiinta Uqaabilsan Maamulka Galmudug Saalax Cabdulaahi Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in Maamulka Galmudug uu ka Xunyahay sii socoshadda Dhiiga Sukeeyey ee Micnadarada Ku qubanaya.

Waxaa uu ugu Baaqay Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Deegaanka Kaxandhaale oo Galgaduud ka tirsan in ay Si sguruud La aan ah ku joojiyaan Dirirta islamarkaana Wax walba ay ku dhameeyaan Wada-hadal.

Saalax waxaa uu Ugu Baaqay Odayaasha Dhaqanka in ay kaalin Mugleh ka qaataan sidii loo joojin lahaa Dirirta Labada Beelood ee walaalaha ah iyadda oo Dagaal In Qof ku dhinta maahine uu san Qof ku dhalan sida Wasiirku uu sheegay.

Mudooyinkii Dambe deegaano Dhowr ah oo katirsan Deegaanadda Maamulka Galmudug waxaa ka dhacaye Dagaalo Beeleedyo ay ku Go’een Dad fara badan kuwaasi oo ay Barbar socdaan Dilalka Aanooyinka Qabiil oo si joogto ah uga Dhaca Deegaanadda Galmudug.

Waxaana Xusid Mudan in Dagaaladaa ay salka ku hayaan Dhul-daaqsin iyo Ceelalbiyoodyo ay kala sheeganayaan Labada Qabaa’il ee dagaalamaya.