Muqdisho waxaa ay Maanta Martigalisay Qaraxyo Mataano ah oo Uurkutaali Ku Reebay Dadka Shacabka ah.
Feysal Salaad Samoow 5 Daqiiqo ka hor ayuu ka bad baaday Qaraxii Koowaad Balse Qaraxii Labaad ayuu ku geeriyooday.
Tani waxaa ay kamid tahay Dhacdooyinka Xanuunka Badan ee uu Reebay Qaraxyadii Maanta.
Feysal ayaa Bartiisa Facebooka Kusoo Qoray 5-Kadib Qaraxii Koowaad in uu ka badbaaday Balse daqiiqado yar kadib ayaa Lahelay Xogta Ah in uu ku geeriyooday Qaraxii Labaad oo ka dhacay Meel aan ka fogeen halka kii hore uu ka dhacay.

Wallaahi meel naloo soo jiro ma ogin ee alle hana xafido walaalkeen iyo intii kale ee ku dhimatay alle ha u naxariisto fadlan aan wadajir ugu duceyno gacalkii naga baxay ee ilaahey uu oofsaday.