{Akhriso}:- Wasiirka Arimaha Gudaha Puntiland Oo Is-Casilay.

0
339

Wararka aynu Gaheleyno Magaaladda Garoowe ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Puntiland ayaa kuwaramaya in uu iscasilay Wasiirka Arimaha Gudaha Pintiland Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade.

Wasiirka ayaa iscasilaadiisa ku sheegay in uu yahay Musharax utaagan Xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntiland Sanada 2019-ka.

Hore waxaa loo xasuustaa in Xilka Wasiirnimo uu isaga Casilay Wasiirka Duulista Hawada Iyo Garoomada axmed Cilmi Karaash oo isaguna sheegay in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxweyne Ku Xigeenka.

Magaaladda Garoowe waxaa Biliwga Sanadkan Soosocda 2019-ka ay Marti galin doontaa Doorashadda Hogaanka Maamulkaasi iyadda oo lagu dooran doono Madaxweynaha Afarta Sano ee Soosocda Hogaamindoono Maamulkaasi.

Madaxweynaha Haatan Talada haye Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa kamida Musharaxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha Puntiland waxaana uu Shalay Warbaahinta usheegay in uu isku sharaxay si uu udhameyatiro Howlo Qabyo u ah.

Waxaase Xusid Mudan in uusan Wax lataaban karo kaqaban Qodobadii uu balanqaaday Mudadii Afarta Sano aheed ee uu Xilkan haye.