Tababare Jose Mourinho Oo Laga Eryey Manchester United.

0
414
Manchester United Oo Ceyrisay Tababare Jose Morinho.

Wararka laga helayo Kooxda Manchester United waxa ay sheegayaan in shaqada laga eryay tababarihii kooxdaasi, Jose Mourinho, kadib labo sano iyo bar oo uu tababare u ahaa kooxdaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay kooxda ayaa lagu sheegay ”Kooxdu waxaa ay u mahadcelineysaa tababare Jose Mourinho, waxayn u rajeneysaa mustaqbal wanaagsan”.

United ayaa sidoo kale sheegtay in tababare kale oo kusime ah, leyliya na kooxda inta ka dhiman ixili ciyaareedkanla la magacaabi doono , inta kooxdu ay ka shaqaaleysiin doonto tababare kale. Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga jirta liiska kala horeynta kooxaha ee horyaalka Ingiriiska, waxaana 19 dhibcood ay ka hooseysaa kooxda Liverpool oo 3-1 uga adkaatay maalintii axadda.

Manchester United ayaa Xilli Ciyaareedkan Ciyaartay 17-kulan oo ay kasoo hoyisay 6-Dhibcood oo kaliya iyadda oo lakulmeysay Guuldarooyin Dhowr ah.

Balse wararku waxaa ay sheegayeen in Khilaaf uu soo kala dhex galay Tababaraha La eryey iyo Ciyaaryahan Paul Pogba iyadda oo khilaafkaas uu ka dhashay Kadib Markii Pogba Aan lasoo safin Ciyaartii Anfield.