Fahfaahin:- Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyey Deegaanka Miraale.

0
464

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Miraale waxaa ay kuwaramayaan in Halkaa Duqeeyeen Diyaarado Nuuca aan Duuliyaha Laheyn oo loomaleenayo in ay yihiin Kuwa Mareekanka.

Deegaanka Miraale waxaa uu Qiyaasti 80-Km ujiraa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Saraakiil u hadashay Maamulka Puntiland waxaa ay warbaahinta u sheegay in Deegaanka La duqeeyey ay dhawaanahanba ku dagaalamayeen Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiishan ayaa Sheegay in Faahfaahin badan aan laga heyn Tiradda Dhabta ah Ee Khasaaraha Kasoo Gaaray Duqeynta Dagaalyahanadaasi Al-Shabaab iyo Daacish.

Balse dadka Deegaanka ayaa soo sheegaya in uu jiri khasaaro Xoogleh oo Duqeyntaa ka dhashay iyadda oo aan laqiyaasi karin Tiradda Hubka Culus ee Lagu Ganay Fariisimo Kooxahaasi ay ku lahaayeen Miraale iyo Koob iyagu ay isku Horfadhiyeen.

Daacish Iyo Al-Shabaab Oo Ku Hardamaya Awood ku lahaanshiyahooda Soomaaliya.

Kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ayaa isku haya Awood kulahaanshiyahooda Soomaaliya iyagga oo kala Taabacsan Ururadda Al-qaacida iyo ISIS.

Willi majirto Wax war ah oo ku aadan Duqeyntaasi oo kasoo yeeray Dagaalyahanada Daacish iyo Al-Shabaab.