Axmed Madoobe Oo Kulamo Qarsoodi ah La Qaatay Madaxda G/W/Bari Kenya.

0
380

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Lagu soo waramayaa in Magaaladda Gaarisa Uu kulamo Qarsoodi ah kula qaatay Maxax katirsan Hogaamiyeyaasha Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Warar soobaxaye ayaa Sheegaya in Axmed Madoobe uu madaxdaa kala hadlay Arimo khuseeya Doorashadda Hogaanka Maamulka Jubaland iyadda oo uu ka dalbaday Hogaamiyeyaasha Gobolka Waqooyi bari Kenya in ay ku taageeraan Sidii dib uu Markale Majaraha ugu qaban lahaa Jubaland Afarta Sano ee Soosocota.

Kulamadan oo Qarsoodi ahaa Waxaa Fashiliyey Sawiro lasoo galiyey Baraha Bulshadda oo  ku aadana kulan Gaarisa uu kulaqaatay Nabadoon Cismaan Ibraahim oo kamida Duqowda G/Waqooyi Bari.

Jariiradda Daily Nation ee kasoo baxda Kenya ayaa Daabacday in Axmed Madoobe uu lakulmay Hogaamiyeyaasha Gobolka islamarkaana uu kala hadlay arimo khuseeya Doorashadda Jubaland.

Daily Nation Oo soo Xiganeysa Nabadoon Cismaan Ibraahim ayaa Waxaa ay ku waran tay in Nabadoonka uu uxaqiijiyey lakulanka Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe inkastoo uu ka gaabsaday in uu kala hadlay Arimo khuseeya Doorashadiisa iyo inkale.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Ayaa wajahaya Cadaadis xoogan oo ku aadan Doorashada Lafilayo in Dhawaan ay qabsoonto iyadda oo uu loolan adag lagalayo Musharaxiin Lagu xanto in Taageero dhinac walba leh ay ka helaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.