Xabsiga Godka Jilicoow Oo Noqonaya Xerada Jilicoow ee Tababarka NISA. + Shekoyin Murugo Leh.

0
423

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay Albaabadda isugu dhufatay Xabsiga Godka Jilicoow oo kuyaalay Magaaladda Muqdisho.

Talaabadan ayaa noqotay Mid ay aad usoo dhaweeyeen Dyalinyaro Badan oo kamida kuwa Kunool Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho kuwaasi oo hore loogu xiray Xabsigaasi.

Khaalid Ma aha Magaca dhabta ah ee Shaqsigan Balse waxaa uu Tusaale Noogu yahay Qof Magaciisa diiday in aan warbaahinta u adeegsano oo kamid ahaa Shaqsiyaad lagu Xiray Xabsigaasi.

Khaalid waxaa uu Gargaar.net u sheegay in Xabsigaa kujiray Mudo Labo Todobaad ah iyadda oo aan lasoo taagin wax Maxkamad ah kadibna Dib Xuriyadiisa uu u helay isaga oo lagu waayey Eedihii loosoo Xiray Markii Hore.

Xabsigan waxaa Hore usoo maray Dhalinyaro Fara badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo uu khaalid kamid yahay iyadda oo Badan koodna lagu soo xiray Eedo ay kamid yihiin Al-Shabaabnimo oo aysan jirin wax karun ah.

“Waxaa la igu eedeeyey Al-Shabaabnimo iyadda oo Taariikhda aysan jirin Wax Xeriira oo ina dhexmaray taasina waxaa ay kamid tahay Tacadiyadda Dhalinyarada ay lakulmaan Mararka Qaar” aulyuu Gargaar.net u sheegay Khaalid.

“Hadaanu nahay Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan usoo joognay Tacadiyo Fara badan iyadda oo aan Xitaa mararka qaar ay dhici jirtay in sidii Ariga Dhalinyarada Madaxooda lookala gato”ayuu yiri Khaalid

Xabsiga Godka Jilicoow Shalay waa la xiray oo Albaabada ayaa la isugu dhuftay iyadda oo Xitaa laga bedelay Magacii hore ee ahaa Godka Jilicoow Waxaana Haatan Loo bixiyey Xerada Jilicoow.

Waxaa ay Saldhig u noqon Doontaa Ciidamadda Hey’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA iyadda oo halkaa lagu baridoono sidii ay udhoori lahaayeen Xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed Xilliyadda ay Howlgaladda Kujiraan sida Lagu sheegay Qoraal Kooban Oo lasoo dhigay Barta Twiterka Ee Hey’adda NISA.

Xabsiga Godka Jilicoow waxaa marti u noqday Maxaabiis Fara badan oo ay kamid yihiin Qeebaha Bulshadda iyadda oo ay soo mareen tiro badan oo kamida Saxafiyiinta Soomaaliyeed.