Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Gudoomiyii Hore Ee G/Baay U Magacaabay Wasiirka Howlaha Guud.

0
376

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa wareegto xafiiskiisa ka soo baxday u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska dalka Mudane Cabdi Aadan Hoosow.

“ Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka maalinimo isniin ah,wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha,Ujeedo magacaabis wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ka dib markii uu tixgeliyay laga maarmaanimada inuu buuxiyo xilka Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska oo banaanaaday,ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo xilka Wasiirnimo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka December 2018-ka u magacaabay Mudane Cabdi Aadan Hoosow,wasiirka Cusub waxaa la farayaa in sida ugu dhaqsiyaha ula wareego Xafiiskiisa waana mahadsan tihiin,.

Arintan ayaa imaaneysa iyadda oo Shalay Xilkan uu iska Casilay Cabdufataax Ibraahim Geeseey oo Mudo Kooban hayey Xilkan iyadda oo uu iscasilaadisana Sabab uga Dhigay kadib Markii uu u adkeysan Waayey Faragalinta Dahsoon iyo Mida Tooska ah oo ay Xukuumaddu ku Heyso Doorashadda Koofur-Galbeed sida uu sheegay.