Maxaa Looga Hadlay Kulanka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.?

0
379
Gudoonka Baarlamaanka Oo Muqdisho Ku Kulmay kadib Maalmo Uu Khilaaf kala irdheeyey.

Magaaladda Muqdisho waxaa Maanta ku kulmay Gudoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maalmihii ugu Dambeeyey Khilaaf uu kala irdheeyey.

Kulanka Gudoonka Baarlamaanka Oo ay Albaabada u xirnaayeen Saacado Badanna Qaatay islamarkaana Saxaafadu ay Dibad joog ka aheed ayaa lasoo warinayaa in uu soo gaba-gaboobay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan iyo Labadiisa ku Xigeen ayaa Lasoo sheegayaa in ay gaareen Heshiisyo Horu-Dhac ah.

Xubo kudhaw Dhaw labada Garab Ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in lagaaray Heshiis Horu-dhac ah islamarkaana la isla gartay In Howlihii Baarlamaanka Dib ubilaabmo kadib Mudo uu hakad kujiray.

Waxaa kalo la isku raacay in Sidiisa uu usii dhisnaado gudigga Maaliyadda Baarlamaanka iyadda oo khilaafku uu ka bilowday arinkaa.

Balse waxaa isweydiin Mudan Qodobka kale ee ahaa Mooshinka ka Dhan ah Madaxweynha Soomaaliya iyo sida laga yeelayo oo aysan Labada dhinac isla soo qaadin.

Halkan Hoose Ka Daalaco War Kooban Oo Kulanka Laga Soo Saaray.

Bismilaah:

Xubnaha golaha Shacabka, umada soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay.

Ilaahay ayaa mahadaas iska leh.

Intaas Kadib Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa guud ahaan Shacabka soomaaliyeed, xubnaha golaha shacabka iyo dhamaan intii gacan ka geysatay xalinta khilaafkan.

khgaar ah Waxaan ugu mahad celinayaa xubnaha gudiga iskood isu xil qaamay ee isu tagay xalinta khilaafka, gudigan oo ka tirsan golaha shacabka oo habeen iyo maalin u taagnaa inay xaliyaan kala aragti duwanaantan soo dhexgashay gudoonkooda,,.

UGUDANBAY: Xubnaha golaha shacabka iyo umada soomaaliyeed Waxaan ugu baaqayaa inay gacan ku siiyaan gudoonka siday u xidid bixin lahayen kala aragti duwanaantaas isla markaana golaha shacabku shaqadiisii dib ugu bilaabi lahaa.

                MAHASANIDIIN

        Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkan
        Xil. Abdirashid Mohamed Xidig.