Wararkii Ugu Dambeeye Xaalada Magaaladda Beydhabo Oo Ay Ka Taagan Tahay Jahwareer Siyaasadeed.

0
411
Mudaharaadka Rabshadaha Wata ayaa weli kasii socda Magaaladda Beydhabo.
Dibad Baxayaashu waxaa ay Badhtamaha Magaalada Ka Taageen Sawirka Mukhtaar Rooboow.

Gargaar.net {Beydhabo}:- Waxaa Maalintii Sedexaad Magaaladda Beydhabo kasii soconaya Dibad-baxyadda Rabshadaha wata oo ay Sameynayaan Boqolaal Shacab ah.

Dadweynahan oo dhigaya Dibad-baxyo waaeeyn ayaa ka soo horjeeda Xariga wadaadka Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali oo loo yaqaano “Abu-Mansuur”

Bartamaha Magaaladda ayey Dibad-baxayaashu ay ka sureen Boor uu ku xardhan yahay Sawirka Wadaadkan.

Mudaharaadka Rabshadaha Wata ayaa weli kasii socda Magaaladda Beydhabo.

Dhinaca kale waxaa Xalay ilaa saakay Hadawa kamaqan isgaarsiinta Magaaladda marka laga soo tago qadka internet-ka oo dadku ay wararku isku weydaarsanayaan.

Dadka Danyarta ah ee kunool Magaaladda ayaa Wajahaya Dhibaatadda ugu Badan Maadaama Dadku aysan u Sahlaneen isticmaalka Qadka internetka iyo in ay ku Dukaameystaan.

Wararkale oo aan heleyno ayaa sheegaya in Magaaladda Lagu dhex arkayo Ciidamo aad ufara badan kuwaasi oo wata gawaarida nuuca “Cabdi-Bilaha” Soomaalida ay utaqaano.

Risaas Teel teel ah ayaa mararka qaar laga maqlayaa Magaaladda sida Wariyeyaal kusugan Magaaladda ay u xaqiijiyeen Gargaar.net.

Tan iyo Markii Khamiistii ay magaaladu ka bilaabmeen Mudaharaadyadda

Wixii kusoo kordhaa Wararkaasi kala soco Gargaar.net

         

              Fikirkaaga Nala Wadaag