Keating “Caqabada Ugu Weyn Ee Soomaaliya Waa Dastuurka Qabyada Ah”

0
276

Wakiilkii Hore  e Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobe Uqaabilsanaa arimaha Soomaaliya Micheal Keating ayaa waxaa uu ka hadlay Xaaladda Guud ee Siyaasadda Soomaaliya.

isaga oo Lahadlaye Television Laga leeyahay Dalka Germany oo lagu magacaabo DW ayaa Sheegay in Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uusan aheyn Mid xilligaan Ku haboonaa.

Caqabadda ugu weyn ee Heysata Soomaaliya ayuu sheegay in uu yahay Dastuurka Qabyada ah iyadda oo uu sheegay in uu yahay mid u baahan waqti dheer oo lagu dhameystiro.

“Mooshinkan ayaa ah mid aan aheyn Mid Horseedi kara in aan la hanan Geedi socod Nabadeed in lagaaro” ayuu yiri Ergeyga Qaramada Midoobe.

Mr Keating ayaa xusay in nasiib darada haysata Soomaaliya haatan ay tahay nidaamka Qabiilka iyo raadinta xilalka, kuwaasi oo loo marayo hab musuq ah.