Dibad-Baxyo Looga Soo Horjeedo Xariga Mukhtaar Rooboow Oo Beydhabo Ka Dhacay.

0
305

Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay sidookalena Xarun KMG ah u ah Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Saakay ka bilowday Dibad-baxyo waaweyn oo looga Soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Boqolaal Dadweyne ayaa isugu soo baxay Magaaladda Beydhabo iyadda oo Dadweynaha ay Dalbanayeen in lasoo sii daayo Wadaadka Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur”.

Shalay ayaa Ciidamadda Dowladda Ethobia ee Qeebta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa shalay Xiray Sheakh Mukhtaar Rooboow iyadda oo Warar soo baxay ay sheegeen in wadaadka la jirdilay xilligii Ciidamadu ay kaxeysanayeen.

Ilo Xog ogaala ayaa Gargaar.net u sheegay in Xilligii laqabanaye uu Madaxtooyadda KGS ugu yeeray Kusimaha Madaxweynaha Koofur-Galbeed Soomaaliya Shariif Sheakhunaa Maye taasi oo siyaasiyiinta Iyo Dadka Falanqeeyo arimaha Soomaaliya ay u arkaan mid Aan Habooneen.