DEG DEG:- {Akhriso} Gudiga Doorashada KGS Oo Is Casilay. —Gargaar.net

0
328

Gudiga Qabanqaabada Doorashadda Hogaanka Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay iscasileen.

War Qoraala oo ka soo baxay Gudiga oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Gudigaasi Sheakh Shaacir ayaa lagu sheegay in iscasilaadoodu ay Sabab u tahay Faragalin Xoogan Oo ay Dowladu ku heyso Doorashadda.

Qoraalka ayaa lagu Xusay in Gudiga ay Dowladda Dhexe kala Kulmaan Handadaad iyo Faragalin Xoogan Oo Joogta ah taasi oo ka fog in Beydhabo ay ka dhacdo Doorasho Xur iyo Xalaal ah.

Marsii horeysay waxaa sidan oo kale isku Casilay Xubnihii ugu badnaa Gudiga Doorashadda Koofur-Galbeed iyagga oo ka Cabanaye Faragalin ay Sheegeen in ay ku heysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.