Maxaa Kajira In Sheakh Muqtaar Rooboow Laga Soo Dejiyey Magaalada Muqdisho ?

0
269
Roobow Oo Beydhabo Ka Waday Loolan Adag oo uu ugu jiray Doorashadda.

Magaaladda Beydhabo ayaa Maanta Dharaar Cad Lasheegay in Ciidamadda Dowladda Ethobia oo Qeybka ah Howlgalka Amisom ay Kaxeysteen Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali Abu-Mansuur oo kamid ahaa Musharaxiinta Utaagan Qabashadda Xilka Madaxtinimadda Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya.

Tan iyo Markii Wadadkan uu u gacan Galay Ciidamada Ethobia waxaa Magaaladda Beydhabo ay Gashay Jahwareer iyadda Oo Mararka Qaar Lamaqlaye Rasaas aanan la ogeyn Cidda isweydaarsaneysa.

Xildhibaan Maxamed Isaaq “Fanax” Waxaa uu Warbaahinta U sheegay in Ciidamadda Ethobia ay Jirdileen wadaadkan Islamarkaana ay Latageen.

Waxaa uu sidookale Sheegay in la shirqoolay Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur” Oo laxiray Xilli Madaxtooyadda Magaaladda Beydhabo uu ugu Yeeray Kusimaha Madaxweynaha KGS Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Roobow Oo Beydhabo Ka Waday Loolan Adag oo uu ugu jiray Doorashadda.

Beydhabo waxaa Mudooyinkii Dambe Ka soconaye Loolan adag oo ay Sameynayaan Musharaxiinta U Taagan Qabashadda Hogaanka Madaxtinimadda Maamulka KGS iyadda oo ay taasi ay barbar Socotay Dib udhacyo isxigxigay oo Umuuqanaye kuwa Siyaasadeysan oo ku imaanaye Doorashadda.

Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa kamid ahaa Musharaxiinta Ugu Cadcad Doorashadda Dhawaan Lagu Madlan yahay in ay ka qabsoonto Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kaasi oo lagu dooranayo Hogaanka Maamulkaasi ee Afarta Sano ee soo socota.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay Xariga Wadaadkan ayaa Sheegtay in uu kabaxay Shuruudihii Lagu Heshiiyey Markii uu isku soo dhiibaye Dowladda.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali uu Magaaladda Beydhabo kawaday Mudooyinkii dambe In uu hub iyo Ciidamo kusoo daabulo Magaaladda.

Waxaa sidookale lagu sheegay Qoraalka in Wadaadka uusan Weli muuqan in uu ka ka tanaazulay Fikirkii Xagjirka ahaa.

Afhayeenkii Hore ee Xarakadda Al-Shabaab Haatanna ahaa Midkamida Musharaxiintii ugu Cadcadaa Doorashadan ayaa Lasheegay in ay kaxeysteen Ciidamadda Ethobia ee ku sugan Deegaanadda KGS.

Ninkii Loogu Doondoonista Badnaa Al-Shabaab oo Haatan Ahaa Musharaxa Ugu Cadcad

Xildhibaan Fanax waxaa uu Warbaahinta u sheegay in ay Qalad tahay in Ciidamadda Amisom ay Xiraan Musharax utaagan Qabashadda Hogaanka Maamulka Koofur-galbeed taasi oo ah mid ka fog Waajibaadka Loo igmaday.

Warar Soo baxay waxaa ay sheegayaan In Sheakh Mukhtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur” in laga soo dejiyey Magaaladda Muqdisho.

Talaabadan ayaa Siyaasiyiinta iyo Dadka Falanqeeya Arimaha Soomaaliya ay u arkaan Mid Dharbaaxo ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadda oo tani ay Muujineyso Faragalintii Marsii horeysay Lahadal Haye ee ku aadaneed Doorashadda Magaaladda Beydhabo.