Gudoomiye Mursal Oo Isaga Guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

0
367

Warar Soo Baxay ayaa Sheegaya In Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan uu isaga Guuray Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xogo lagu kalsoonaan karo oo uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Degey Hotel Ka Agdhaw Airport-ka Magaaladda Muqdisho.

Arinkan ayaa imaanaya iyadda oo Dhawaanahanba Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka cabanayeen is hortaag lagu sameeyey Xilli ay doonayeen in ay lakulmaan Gudoomiye Maxamed Mursal.

Labadii Maalin ee ugu Dambeysay waxaa isisoo taraye Khilaafka Udhexeeya Madaxda ugu Sareysa Dowladda Federaalka Gaar ahaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadda oo warar soo baxayane ay sheegayeen in Gudoomiyuhu uu ku jiro Xabsi guri islamarkaana aynan jirin Cid lakulmi karta.