Gabadh Soomaali Ah Oo Doorasho Kaga Adkaatay Ganacsade Caan Ah –Gargaar.net

0
418

Gabadh Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in Ay Doorasho Kaga Guuleysatay Nin Gacacsade ah Dalka Mareekanka.

Gabadhan Oo Lagu Magacaabo Deeqo Dhalac ayaa Noqoneysa Haweyneydii ugu Horeysay Oo Muslim ah Oo Ku Guuleysata Golaha Deegaanka Ee South Portland City ee Dalka Mareekanka kadib Markii ay Doorasho kaga Guuleysatay Nin Ganacsade ahaa Oo Magaaladda Kuleh Ganacsiyo Waaweyn Oo ay la Bartameysay.

Ganacsadahan Oo Lagu Magacaabo Donald ayaa Helay 7-Cod iyadda oo Gabadhan ay Heshay Tiro kulaba jibaaranta Tirada Uu Helay Donald.

Deeqa Waxaa ay In mudo ahba kasoo shaqeyneysa Arimaha Bulshadda iyadda oo Magaaladda ay Degeneed Mudo 10-Sano ah.

Waxaana Arimahan ay imaanayaan iyadda oo Mudooyinkii dambe Dalka Mareekanka aad looga Qadarinaye isdhex galka Bulshada iyadda oo aad loo soo dhaweynaye Dadkii Hore loo takoori jiray kadib Doorashooyin ay ku soo Baxeen Musharaxiin kala duwan oo ka dhacday Goboladda Dalka Mareekanka.