Xildh: Cabdi Shire Muxuu Ku Soo Xasuustay Khilaafkan Siyaasadeed. {Akhriso}

0
419

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac Oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Waxaa uu ka Hadlay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Haatan Dalka Dib uga Soo Cusboonaaday isaga oo Sheegay in uu kusoo Xusuustay Qalalaasihii lagu riday Gudoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheakh Cismaan Jawaari iyo Heestii Xildhibaannimooy Xaal-Qaado.

Jahwareer siyaasadeed ayaa ka Dhex taagan Madaxda Ugu Sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheakh Cabdi Raxmaan.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka Xildhibaanka Uu Soo Dhigay Boggiisa Facebooka.

Qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira ee uu ugu dambeeyay xildhibaano mowshin ka keenay madaxweynaha wuxuu i soo xusuusiyay heesteydii “Xildhibaanimooy xaal-qaado” oo aan qoray 2010kii iyo qormo yar ee aan ku diidanaa Mowshinkii laga keenay Jawaari oon boggeyga fb ku soo daabacay 15 kii March 2018. Qoraalkaas waxaan ku odarasayay sida Baarlamaanka Soomaaliya noqon doono haddii Jawaari xilka laga tuuro ee bal markale ila akhrista:

Isku dayga in xilka laga qaado , Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari, waxaan u arkaa mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Waxaan ka codsanayaa Xildhibaanada saxiixay moowshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay.

Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo iyo in lagu laabto waayadii baarlamaanka nin furaha jeebka isaga heysan jiray. Xigmad ( ciyaalka xaafadu sameeyeen) baa oraneysaa :” ….rag baan ahay dagaal looma aadee rag dagaal gali kara ayaa la diraa..”, oo aan ula jeedo Jawaari “kabahiisa” qof hadda kashan kara nooma muuqdo (qof badali kara ama kaalintiisa gali kara), waa qaamuus taariilhdii Soomaliya oo nool oo Rabbi ina siiyay ee aan ka faa’iideysano, wixii dhaliil ah ee uu leeyahay ha laga saxo. Waxaan gaar ahaan kula dardaarmayaa Xildhibaanada cusub in ay ka faa’iideystaan aqoonta Gudoomiye Jawaari.

Waxaan u mahadcelinayaa Guddiga Joogtadaa ee Golaha Shacabka oo moowshinkii laga keenay , Gudoomiye Jawaari , sifo sharci awgeed u laalay.
Dalku xasilooni siyaasadeed ayuu u baahan yahay, waxaan ka codsanayaa xildhibaanadda saaxiibadey ah in ay dalka u turaan maadaama wakhti adag lagu jiro, gudoomiye Jawaarina “calaacasha” laga dharbaaxo markaan ( slap on the wrist), mowshinkana aad ka tanaasushaan.

Halkan Ka Daalaco Cadeynta Qoraalkan.