Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Muxuu Ka Yiri Khilaafka Hogaanka Dalka ? {Akhriso}.

0
376

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa Waxaa uu ka hadlay Fanqaladaha Siyaasadeed ee kajira Soomaaliya.

Isaga Oo Ku Sugan Dalka Masar ayuu Warbaahinta Dowladda waxaa uu u sheegay in Wadanku uu kujiro Isbedel Balaaran oo Dhinaca Siyaasadda ah islamarkaana loobaahan yahay in Wadanku aan loo Horseedin in uu dib ugu Noqdo Bur-Bur iyadda oo uu xilligan ku jiro Dib usoo kabasho.

Khilaaf adag ayaa ka dhex jira Madaxda ugu Sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya Gaar ahaan Madaaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhinaabada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii bur-burka.

Xildhibaano Katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka Gudbiyey Madaxweynaha iyagga oo ku ku eedeeyey in uu ku xadgudbay Dastuurki Dalka, Qiyaano-Qaran iyo in uu galay Heshiisyo Qarsoodi ah.

Balse 24-Saac Kadib Xoghayaha Baarlamaanka Cabdikariim Buux ayaa Sheegay in uu Buray Mooshinka Kadib Markii uu Sheegay in waraaqo ay usoo gudbiyeen 14-Mudane Xildhibaan Oo Magacyadooda Laga Been Abuurtay inkastoo Xildhibaanadda Mooshinka Gudbiyey ay Warqadaa ka hor imaadeen.