DEG DEG:- Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Maxamed Mursal Oo Ku Shirsan Muqdisho

0
379

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Muqdisho Gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku waramaya in Haatan Kulan Deg Deg ah uu halkaa uga soconayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Xubno katirsan Aqalka Sare.

Kulankan oo looga Hadlayo Arimaha Khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ah mid ay Albaabadu u xidhan yihiin Saxaafaduna ay dibad joog ka tahay.

Saacadihii ugu Dambeeyey waxaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan kuwa Taageersanaa Mooshinka Kadhanka ahaa Madaxweynaha Soonaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay ku doodayeen in loo diiday Lakulanka Gudoomiyahooda.

Waxaa taasi Barbar Socday Warqad Lasheegay in ay kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha Baarlamaanka Cabdikariim Buux taasi oo ay ku qorneed in uu buray Mooshinkii kadhanka ahaa Farmaajo karib markii 14-mudane laga been abuurtay sida lagu faafiyey Baraha internetka oo ay bulshadu ku xariirto.

Kulankan Haatan Kasocda Muqdisho ee looga arinsanayo Khilaafkan Xiigan ee kala irdheeyey Madaxda Dowladda islamarkaana kukala Jabeen Xubnaha Baarlamaanka ayaanan la ogeyn Natiijada kasoo bixi karta.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Xubno katirsan Aqalka Sare ayaa Haatan ku howlan sidii Xal loogu Heli lahaa Fanqaladaha Siyaasadeed ee Kataagan Muqdisho.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net.