C/Xakiin Camey Oo Ka Noqday Dacwadii Madaxweyne Gaas. {Akhriso}.

0
335

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntiland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa Sheegay in uu ka laabtay Dacwadii uu Dhawaan Ugudbiyey Maxkamadda Sare ee Ountiland Xilli Maanta lagu Madlanaa Dhageysiga Dacwadaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Dhawaantan Magacaabay Gudiga Xalinta iyo Khilaafaadka iyo Ansaxinta Baarlamaanka Cusub Balse taasi waxaa ka ashtakooday Madaxweyne ku xigeenka Oo sheegat inaan Haba yaraatee lagala Tashan Gudigaasi.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka Uu Soo Saaray Cameey.

Sidookale Gudigan Waxaa iyana ka horyimid Musharaxiinta utaagan Qabashadda Xilka Madaxtinimadda Puntiland Doorashadda 2019-ka.

Balse mamuuqato ilaa haatan Wax caqabad ah oo Gudiga uu Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Puntiland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Ka Hortaagan Gudashadda Waajibaadkooda Loo igmaday oo Maalintii shalay ayey si rasmi ah u ilaabeen Shaqadooda sida wararku aynu ku heleyno.