Beydhabo: Askar Rasas Ku Furtay Dibad Baxayaal Tagersanaa Mooshinka Farmaajo.

0
333

Magaaladda Beydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay Sidookalena Xarun KMG ah u ah Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa wararka aynu ka heleyno waxaa ay ku soo waramayaan in Maanta Ciidamo Katirsan Kuwa Boliiska Ay Rasaas ku Fureen Boqolaal Ruux oo Dubad Baxayaal ahaa.

Dadka Dibad baxaye oo sitay Boorar lagu xardhay Sawirka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan ayaa taageero u muujinaye Mooshinka Ka dhanka ah Madaxeeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wararka ayaa Sheegaya in Ilaa Afar Ruux uu dhaawac Ka soo Gaaray Rasaasta Ciidamadu ay fureen.

Dadka Dibad baxayaasha ah ayaa ku hadaaqaye Ereyo ay kamid yihiin Doolar Qaate Dooni meyno, Danta Guud Tiisa Ka Hormariye Dooni Meyno iyo Hadalo La Halmaala.

Wixii kusoo kordhaa wararkaasi wararkeena Dambe ayaad ku akhrisan doontaan Insha’allah.