{Akhriso}: Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Si Caro Leh Kaga Hadlay Khilafka Madaxda Dowladda.

0
334
War Sugan Oo Aan Dhanna Ujanjeerin

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Oo Shir isugu yimid Talaadada Maanta ah Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ay kaga hadleen Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex aloolsan Madaxda Dowladda Federaalka.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa isku raacay inaysan Muhim aheyn in Dalka Dib uu ugu laabto wadadii Burburka ee Haatan uu kasoo kabanayo.

Cabdinuur Axmed Diiriye Cali Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa Shirka ka sheegay in wax aan la aqbalikarin ay tahay in dalka Dib loo celiyo.

Waxaa uu sheegay in laga doonayo madaxda Dalka in ay kukala baxaan Dastuurka Dalka.

Muxuyidiin Xasan Afrax oo kamida odayaasha Dhaqanka ayaa dhankiisa Saxaafadda u sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Laga Doonayo in ay layimaadaan is ixtiraam, isku tanaasul Balse aan Dalka Dib Loo Celin.

Arinkan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo Magaaladda Muqdisho ay kataagan tahay Jahwareer dhinaca siyaasadda ah kadib markii Madaxda ugu sareysa Dalka uu khilaaf soo kala dhex galay.