Warbixin:- Muxuu Salku Ku Hayaa Mooshinka Madaxweyne Farmaajo.? {Akhriso}

0
429

Waxaa isisoo taraya Warbixinadda La Xeriira Mooshin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka Gudbiyeen Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Kaasi oo Loo Gudbiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan.

Mooshinkan ayaa Noqonaya mid lasii Filaye Mudooyinkii Dambe oo waxaa Muuqaneysay Nuxnux la Xeriirta Mooshino Fara badan oo qaarkoodna ay jidka kusoo jiraan oo Kan lamida balse waxaa laga dhur sugayaa Halka ay Ku Dambeeyaan

Mudaneyaashan Oo Gaaraya Kudhawaad Boqol Xildhibaan Ayaa waxaa ay Sheegeen In Madaxweyne Farmaajo uu ku Xad Gudbay Dastuurkii Dalka islamarkaana aysan U dulqaadan karin In Labaalmaro Dastuurka.

Waxaa isisootaraya Warbixinadda Laxeriira Sirta Ku duugan Mooshinkan Ama waxa xilligan ku soo Beegay.

Muxuu Salka Ku Hayaa Mooshinkan.

Xildhibaano Katirsan Kuwa Baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinka Ka Gudbiyey Madaxweyne Farmaajo waxaa ay Sheegeen in Madaxweynuhu uu ku xadgudbay Dastuurka Dalka.

Waxaa kaloo ay ku eedeeyeen in Qiyaano Qaran, Khalalaase iyo Burburinta Nidaamkii Federaalka ee isaga lagu soo doortay.

Waxaa kaloo Qodobada Eedeynta Kamid ahaa Heshiisyo Qarsoodi ah.

Sidee Siyaasiyiinta Soomaaliyeed u arkaan Mooshinkan iyo Qodobadda Ku Xusan.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan Axsaabta Mucaaradka ayaa aad usoo dhaweeyey Mooshinkan.

Waxaa Siyaasiyiintaasi kamida Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo Markii maanta Muqdisho dib ugu soo Gurya noqday Sheegay in uu taageersan Yahay Mooshinkan islamarkaana ay tahay mid habooneed in Hore loo arko.

Xasan Sheakh Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Haatanna ah Higaamiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa Marsii horeysay Magaaladda Kismaayo ka sheegay in Soomaaliya Xilligan aysan ku habooneen Heshiisyada Ay la gashay Dowladaha Jaarka ah.

Waxaa uu sheegay in Xilligan aysan suuragal aheyn in ay Midoobaan Soonaaliya iyo Ethobia taasina ay tahay Riyo-Maalmeed.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyno Farmaajo ayaa Dowladda Ethobia iyo Eletaria la saxiixatay Heshiisyo aan La ogeyn Waxa ay Salka kuhayaan Waxaana Xildhibaanadda Mooshinka Gudbiyey ay Sheegeen in Hesgiisyadaa ay yihiin kuwa aan xeligan Soomaaliya uwanaagsaneen.

Warar aan laxaqiijin ayaa Sheegaya in Mooshinkan uu ka dhashay kagadaal Markii Dowladda Federaalka ay Ciidamo Boliis ah ay u dirtay Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in kastoo Arinkan aanan lagu sheegin Qodobadii Mooshinka ku qornaa.

Ciidamo Boliis ah Oo Beydhabo La Geeyey.

Markii Ciidamadan labo maalin oo isxigxigta loo daabulay Beydhabo waxaa markiiba tagay Beydhabo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheakh Cabduraxmaan oo sheegay in Natiijadii ka dhalata Arintan ay mas’uuliyadiisa qaadeyso Cidii Amarkaasi Bixisay.

Gudoomiye Mursal Waxaa uu Mar sii Horeysay Sheegay in Ciidamadda Ammaanka Koofur-Galbeed ay iyagu ku Filan yihiin Sugidda Ammaanka Magaaladda oo aysan Muhiim aheyn in Ciidamo kale lageeyo.

Mooshinkan Sidee u arkaan Shacabka Soomaaliyeed.

Boqolaal Shacab ah Oo Isugu Soo Baxay Dibad-bax Farmaajo Lagu Taageeraye.

Muqdisho waxaa Isniinta Amaanta ah ka taagan Jahwareer siyaasadeed iyadda oo Magaaladda Maanta ay ka dhaceen Dibad baxyo Waaeeyn oo looga Soo horjeeday Mooshinka Mudaneyaal katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Boqolaal Shacab ah oo isugu soo baxay Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho oo watay sawiradda Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre  ayaa ku hadaaqaye ereyo ay kamid tahay Doolar qaate Dooni meyno Mooshin Joogtaa Dooni Meyno iyo Ereyo la hal maala.

Balse Qaar badan oo kamida Shacabka Soomaaliyeed ayaa iyaguna qaba in Mooshinkan uu yahay mid sharci ah loona baahnaa In mar hore loogudbiyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Golaha Iskaashiga Muxuu kayiri Mooshinkan.

Golaha iskaashiga Maamul-goboleedyadda Dalka ayaa war ay soo saareen waxaa ay kaga hadleen Mooshinka laga gudbiyey Madaxweyne Farmaajo iyagga oo sheegay in ay taageersan Yihiin.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xabsi guru la dhigay gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame Oo kamida Siyaasiyiinta Mucaaradka Dowladda Ayaa Markii uu Muqdisho soo gaaray Carbaabay in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya loo diiday In ay la kulmaan Gudoomiye Maxamed Mursal.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo isaguna kamida Xildhibaanadda Mooshinka Gudbiyey ayaa dhankiisa Warbaahinta u sheegay in arinkaa uu yahay mid saxa islamarkaana Laga hor istaagay Lakulanka agudiomiyaha Golaha Shacabka.

Waxaa uu Hoosta Ka xariiqay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu haatan yahay mid wajahaya Xabsi Guri taasina ay tahay Mid Baalmarsan Dastuurka Dalka iyo Hanaankii Federaaliisamka ee Wadanku uu qaatay.