Waxaa Maalintii Axada Aheed 02-02-2018 si habsami ah u soo xidhmay qabashada codsiyadii Shaqo ee Gobolka Awdal iyo guud ahaan-ba dalka halkaas oo ay dhalinyarada aqoonyahanka ahi ku tartami doonnaan Kaalmo Shaqo oo Hay’adaha Dawladda ka bannaanaday.
-Haddaba, tartanka ka qabsoomaya Gobolka Awdal Caasimadiisa Borama ayaa qabsoomi doonna maalinta Salaasada ee bari ah taariikhduna tahay 11/12/2018 Insha Allah
-Tartamayaasha ayaa ku tartami doonna 50-kaalmo Shaqo oo kamid ah kaalmihii Shaqo ee ku banaanaday hawl-qabadkii qaran ee diiwaan-gelinta Shaqaalaha Dawladda halkaas oo guulaystayaashu ka hawl-geli doonnaan Gobolka Awdal iyo hadii loo baahdo xarumaha dhexe
-Tartamayaasha waxaa lagu wargelinayaa in ay kasoo xaadiraan Hall-ka Jaamacadda Camuud “Campus” 8:00Am Subaxnimo ee maalinta Salaasada iyaga oo sita Shahaadooyinkii asalka ahaa “Original” ee ay Copy-giisa horay u soo xaraysteen iyo Aqoonsiga Muwaadinka Somaliland “Somaliland National ID Card”
Waxaan u rajaynayaa tartamayaasha guul iyo tartan hufan
DHAMMAAD
Sharmaarke Axmed Muxumed Gelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL