Uganda Oo Ciidamo U Soo Direysa Soomaaliya.

0
401

Uganda Ayaa dhawaan Soomaaliya u soo diri doonta Ciidamo Horleh kuwaasi oo bedel u noqon doona Qeyb kamida Ciidamadeeda Ku Sugan Soomaaliya.

Saraakiil sar sare oo katirsan Milatariga iganda ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamadan ay yihiin kuwa Tababar Xoogan soo qaatay islamarkaana aad loosoo diyaariyey.

Taliyaha Ciidamada Milateriga ee dalka Uganda Gen David Muhoozi ayaa waxaa Ciidamadaasi cusub uu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Generaalku waxaa uu sheegay in ay tahay in Ciidamadan ay lahaadaan Feero gaar ah islamarkaana ay muujiyaan Geesinimo iyadda oo hadi taasi dhicinna ay halis ugu jiraan Weerarada Al-Shabaab sida uu isagu hadalka u dhigay.

Uganda waa Dowladda Ciidamadda ugu Badan ay ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo qeeb ka ah Howlgalka Midowga Africa ee Amisom.

Waxaana Xusid Mudan in Ciidamadda Uganda ay Dalka Soogaleen Sanadii 2007-dii iyagga oo ilaa waqtigan ku sugan waxaana Ay lakulmaan Weeraro Ciidamo badan ay kuwaayaan Mararka qaar kuwaasi oo kaga yimaada dhanka Xarakadda Al-Shabaab.