Bulshada Ku Dhaqan Muqdisho Oo La Daalaadhacaya Dhibaato Ay U Geestaan Raxan Eeyo Dad Cun Ah.

0
475

Dadka Ku dhaqan Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka ayaa waxaa ay Dhibaato Ba’an ku qabaan Raxan Eeyo Dad Cun ah oo Dhibaato u geesta.

Tiro kamida Bulshadda Kudhaqan Muqdisho ayaa la daala dhacaya Dhibaato ay u geesteen Eeyahan iyagga oo Xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo Cisbitaaladda Kuyaala Magaaladda.

Meelaha Dhibaatada ugu badan ay ka geestaan Eeyahan Dad Cunka Ahi waxaa kamida Qeebo kamida Degmooyinka Wardhiigleey, Boondheere iyo Yaaqshiid.

Dadka Degmooyinkaa Ku Dhaqan ayaa Noqday kuwa xiliyadda Habeenkii ah Xambaarsan Budad iyo Baangado si ay kaga gaashaantaan Eeyahan Dad Cunka ah ee Dhibaatadda Ba’an ku haya islamarkaana Magaaladda kusoo Xooma Xilliyadda Habeenkii ah.

Qof Goob jooge ah oo Diiday in Magaciisa iyo Codkiisaba aan warnaahinta u adeegsano ayaa Gargaar.net u xaqiiniyey in Dhibta Faraha Badan oo ay kala kulmaan Eeyahan Raxan raxanta u socda ay kaliftay in Dhalinta ay Noqdaan kuwa Guri kujir ah oo xitaa Salaada Cishaha Aan Masaajidda u soo aadin.

Maamulka Degmooyinkaasi ayaa ah kuwa iska indha tira dhibaatadda Bulshada ay iyagu Mas’uulka kayihiin heysata iyagga oo aam Talaabo uqaadin sidii xal loogu helilahaa Arintan.