NISA: Waxan Soo Qabanay Shaqsi Ka Tirsan Al-Shabaab.

0
408

Ciidamadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Ee NISA Ayaa Gacanta ku soo dhigay Shaqsi katirsan Xarakadda Al-Shabaab sida ay iyagu sheegeen.

Qoraal kooban oo Lasoo dhigay Bogga Twiterka Ee Hey’adda NISA ayaa Lagu sheegay in Ciidamadda Nabad Sugidda Ay Gacanta ku soo dhogeen Shaqsi katirsan Al-Shabaab oo aan Lacarbaabin Magaciisa iyo Darajadiisa iyo goobta Howlgalkan uu ka dhacay ama Lagu soo qabtay Shaqsigan.

Balse NISA ayaa Kaliya ku soo koobtay Qoraalkdeeda in Shaqsigan oo katirsan Al-Shabaab Gacanta lagu soo dhigay isaga oo ku howlanaa Maleegidda Weeraro Qaraxyo ah oo ay ku Go’aan Shacabka Soomaaliyeed.

Halkan Hoose Ka Daalaco Qoraalka Twiterka Ee NISA.