DEG DEG:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaaraya Beydhabo.

0
328

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan ayaa lagu wadaa in saacadaha ina soo aadan uu gaaro Magaaladda Beydhano ee Xarunta Gobolka Baay.

Magaaladda Beydhabo waxaa ka socda Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Doorashadda iyadda oo ay ka taagan tahay Jaheareer dhinaca Ammaanka ahi taasi oo ka dambeysay Markii Ciidamo Boliis ah oo kasocda Dowladda Dhexe ay gaareen Beydhabo.

Xog uu helay warsidaha Gargaar.net ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ujeedada Socdaalkiisu ay tahay sidii Ciidamadaas katirsan Boliiska Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa Magaaladda Muqdisho oo markii hore laga diray.

Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Beydhabo waxaa ku sugan Madax katirsan kuwa Maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya kuwaasi oo kaqeyb qaadanaya Soodhaweyna Maxamed Mursal.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Beydhabo laga dareemaye Jaheareer dhinaca Ammaanka ah taasi oo ka dhalatay Ciidamo aad ufara badan oo ku sugan Magaaladda kuwaasi oo isugu jira Boliiska Soomaaliya ee dhawaan lageeyey Magaaladda Ciidamadda Maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa uu hore Al-Shabaab kala yimid Musharaxa Muqtaar Rooboow Cali “Abu-Mansuur”

Wixii kusoo kordhaa Socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Arimaha Beydhabo kala soco Gargaar.net.