Beydhabo:- Diyaarad Siday Ciidamo Boliis Ah Oo Markale Gaartay.

0
363
Ciidamo Boliis ah Oo Beydhabo La Geeyey.

Magaaladda Beydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Markale Maanta Gaaray Ciidamo Katirsan Boliiska Soomaaliya.

Diyaarad siday in ka badan 50-Askari oo katirsan Boliiska Soomaaliya ee sida Gaarka ahi utababaran ayaa Lagu soo waramayaa in ay Caga dhigatay Maanta Magaaladda Beydhabo.

Shalay in kabadan 200-io Askari oo katirsan Boliiska sida gaarka ah utababaran ayaa Lageeyay Beydhabo iyadda oo la sheegay in ay ku boirayaan Sugidda Ammaanka Magaaladda Beydhabo gaar ahaan Goobta Doorashadu ay ka dhaceyso.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Deegaanadda Koofur galbeed Soomaaliya ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay Ciidamadda Cusub ee la geeyey Beydhabo.

Guodomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheakh Cabdiraxmaan waxaa uu shalay isaga oo kamaqan Dalka uu sheegay in Ciidamadda Maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya ay yihiin kuwa ku filan Sugidda Ammaanka islamarkaana Hadii Ciidamo Cusub lagu Daro Cidii Amarkaa ay bixisay Ay Mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay iyagu qaadayaan.

Wixii kusoo kordhaa wararka beydhabo wararkeena dambe ayaad ku akhrisan doontaan insha’allah.